Soomaali
Fur app-ka

Suuradda Al-Kahf: qoraalka oo dhan iyo ilaha

Suuradda Al-Kahf (Qur'aan 18), oo la akhriyo maalinta Jimcaha, aayad aayad: Carabiga, akhriska far Laatiin iyo macnaha.

Suuradda Al-Kahf

Hogga (Qur'aan 18), maalinta Jimcaha

“Qofkii akhriya Suuradda Al-Kahf maalinta Jimcaha, nuur ayaa u iftiima inta u dhexeysa labada Jimce.”

  1. بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

    Bismillaahir-raxmaanir-raxiim

    Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan.

  2. الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي أَنزَلَ عَلَىٰ عَبْدِهِ الْكِتَابَ وَلَمْ يَجْعَل لَّهُ عِوَجًا ۜ ١

    Al-xamdu lillaahil-ladhii anzala calaa cabdihil-kitaaba wa lam yajcal lahuu ciwajaa

    Ammaan oo idil iyo mahad waxaa leh Allaah ee ku soo dejiyey addoonkiisa Kitaabka (Qur’aanka) oo aan u yeelin wax qallooc ah.

  3. قَيِّمًا لِّيُنذِرَ بَأْسًا شَدِيدًا مِّن لَّدُنْهُ وَيُبَشِّرَ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا حَسَنًا ٢

    Qayyimal-li-yundhira ba'san shadiidam-mil-ladunhu wa yubashshiral-mu'miniinal-ladhiina yacmaluunas-saalixaati anna lahum ajran xasanaa

    Kitaab toosan, si uu uga digo cadaab daran oo Xagga (Alle) ah, uguna bishaareeyo mu'miniinta samaha fala inay leeyihiin Abaalgud Wanaagsan (Janno).

  4. مَّاكِثِينَ فِيهِ أَبَدًا ٣

    Maakithiina fiihi abadaa

    Ay ku negaadi weligood.

  5. وَيُنذِرَ الَّذِينَ قَالُوا اتَّخَذَ اللَّهُ وَلَدًا ٤

    Wa yundhiral-ladhiina qaaluttakhadhallaahu waladaa

    Oo uu digo kuwa yidhaahda: Alle Wuxuu leeyahay ilmo.

  6. مَّا لَهُم بِهِ مِنْ عِلْمٍ وَلَا لِآبَائِهِمْ ۚ كَبُرَتْ كَلِمَةً تَخْرُجُ مِنْ أَفْوَاهِهِمْ ۚ إِن يَقُولُونَ إِلَّا كَذِبًا ٥

    Maa lahum bihii min cilmin wa laa li-aabaa'ihim kaburat kalimatan takhruju min afwaahihim in yaquuluuna illaa kadhibaa

    Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaashood midna, xumaan badanaa ereygaa ka soo baxa afafkooda; kuma hadlaan waxaan been ahayn.

  7. فَلَعَلَّكَ بَاخِعٌ نَّفْسَكَ عَلَىٰ آثَارِهِمْ إِن لَّمْ يُؤْمِنُوا بِهَٰذَا الْحَدِيثِ أَسَفًا ٦

    Fa-lacallaka baakhicun nafsaka calaa aathaarihim il-lam yu'minuu bi-haadhal-xadiithi asafaa

    Waa intaasoo aad ku halaagto naftaada raadkooda (gadaashooda) murugo darteed, haddaysan rumeyn (Qur’aankan).

  8. إِنَّا جَعَلْنَا مَا عَلَى الْأَرْضِ زِينَةً لَّهَا لِنَبْلُوَهُمْ أَيُّهُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا ٧

    Innaa jacalnaa maa calal-ardi ziinatal-lahaa li-nabluwahum ayyuhum axsanu camalaa

    Waxaan ka yeellay waxa dhulka korkiisa ah qurux lagu qurxiyey, si aanu u imtixaanno midkood ugu camal fiican.

  9. وَإِنَّا لَجَاعِلُونَ مَا عَلَيْهَا صَعِيدًا جُرُزًا ٨

    Wa innaa la-jaaciluuna maa calayhaa saciidan juruzaa

    Waxaanuna xaqiiq ka yeeli dhammaan waxa korkeeda ah 'arlada' ban gabiib ah aan wax ka soo bixin.

  10. أَمْ حَسِبْتَ أَنَّ أَصْحَابَ الْكَهْفِ وَالرَّقِيمِ كَانُوا مِنْ آيَاتِنَا عَجَبًا ٩

    Am xasibta anna asxaabal-kahfi war-raqiimi kaanuu min aayaatinaa cajabaa

    Mise, ma waxaad mooddaa in 'dhacdadii' qolodii hogga iyo looxa 'ay ku qornaayeen magacayadoodu' ay yihiin kuwa calaamooyinkayaga ugu yaabka badan?

  11. إِذْ أَوَى الْفِتْيَةُ إِلَى الْكَهْفِ فَقَالُوا رَبَّنَا آتِنَا مِن لَّدُنكَ رَحْمَةً وَهَيِّئْ لَنَا مِنْ أَمْرِنَا رَشَدًا ١٠

    Idh awal-fityatu ilal-kahfi fa-qaaluu rabbanaa aatinaa mil-ladunka raxmatan wa hayyi' lanaa min amrinaa rashadaa

    Markay dhallinyardii u hoydeen hogga, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow naga sii Xaggaaga Naxariis, noogana dhig arrinkayaga wax hagaagsan oo hanuun leh.

  12. فَضَرَبْنَا عَلَىٰ آذَانِهِمْ فِي الْكَهْفِ سِنِينَ عَدَدًا ١١

    Fa-darabnaa calaa aadhaanihim fil-kahfi siniina cadadaa

    Markaasaan ka dhowrnay inay (shanqar) maqlaan (oo ku sii deynay hurdo) hogga dhexdiisa tiro sanooyin ah.

  13. ثُمَّ بَعَثْنَاهُمْ لِنَعْلَمَ أَيُّ الْحِزْبَيْنِ أَحْصَىٰ لِمَا لَبِثُوا أَمَدًا ١٢

    Thumma bacathnaahum li-naclama ayyul-xizbayni axsaa limaa labithuu amadaa

    Markaasaan ka soo kicinnay (hurdadii) si aan u muujinno labada kooxood midkooda tiro koobi og muddada ay ku negaadeen.

  14. نَّحْنُ نَقُصُّ عَلَيْكَ نَبَأَهُم بِالْحَقِّ ۚ إِنَّهُمْ فِتْيَةٌ آمَنُوا بِرَبِّهِمْ وَزِدْنَاهُمْ هُدًى ١٣

    Naxnu naqussu calayka naba'ahum bil-xaqqi innahum fityatun aamanuu bi-rabbihim wa zidnaahum hudaa

    Annagaa kuu soo tebineyna qisadooda oo xaq ah, waxay ahaayeen dhallinyaro rumeysay Rabbigood oo aanu u kordhinnay hanuun.

  15. وَرَبَطْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ إِذْ قَامُوا فَقَالُوا رَبُّنَا رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ لَن نَّدْعُوَ مِن دُونِهِ إِلَٰهًا ۖ لَّقَدْ قُلْنَا إِذًا شَطَطًا ١٤

    Wa rabatnaa calaa quluubihim idh qaamuu fa-qaaluu rabbunaa rabbus-samaawaati wal-ardi lan nadcuwa min duunihii ilaahal-laqad qulnaa idhan shatataa

    Waxaan ku xoojinnay quluubtooda samir (iyo iimaan), markay kaceen oo (ku) yidhaahdeen (boqorkii xukumayey ee sanam caabdudka ahaa): Rabbigayo waa (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, weligayo ma baryeyno (caabudeyno) ilaah kale aan Isaga ahayn, (haddaan wax sidaa ka duwan nidhaahno) waxaan xaqiiq markaa ku hadallay wax xun oo xadgudub ah.

  16. هَٰؤُلَاءِ قَوْمُنَا اتَّخَذُوا مِن دُونِهِ آلِهَةً ۖ لَّوْلَا يَأْتُونَ عَلَيْهِم بِسُلْطَانٍ بَيِّنٍ ۖ فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا ١٥

    Haa'ulaa'i qawmunattakhadhuu min duunihii aalihatal-lawlaa ya'tuuna calayhim bi-sultaanin bayyinin fa-man azlamu mimmaniftaraa calallaahi kadhibaa

    Kuwaanu qolodayada ah waxay yeesheen (Alle) sokadi ilaahyo ay caabudaan. Maxay u keeni waaayeen xujo cad oo u daliil ah? Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Allaah?

  17. وَإِذِ اعْتَزَلْتُمُوهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ إِلَّا اللَّهَ فَأْوُوا إِلَى الْكَهْفِ يَنشُرْ لَكُمْ رَبُّكُم مِّن رَّحْمَتِهِ وَيُهَيِّئْ لَكُم مِّنْ أَمْرِكُم مِّرْفَقًا ١٦

    Wa idhictazaltumuuhum wa maa yacbuduuna illallaaha fa'wuu ilal-kahfi yanshur lakum rabbukum mir-raxmatihii wa yuhayyi' lakum min amrikum mirfaqaa

    Markaad ka fogaataan gaalada iyo waxay caabudaanba Alle maahee, ka doonta meel aad gabbaad ka dhigataan Hogga, Rabbigiin wuxuu wax idiinka fidin si waasic ah Naxariistiisa, oo idinka siin arrinkiinaan waxaad ku degtaan.

  18. وَتَرَى الشَّمْسَ إِذَا طَلَعَت تَّزَاوَرُ عَن كَهْفِهِمْ ذَاتَ الْيَمِينِ وَإِذَا غَرَبَت تَّقْرِضُهُمْ ذَاتَ الشِّمَالِ وَهُمْ فِي فَجْوَةٍ مِّنْهُ ۚ

    Wa tarash-shamsa idhaa talacat tazaawaru can kahfihim dhaatal-yamiini wa idhaa gharabat taqriduhum dhaatash-shimaali wa hum fii fajwatim-minh

    Waxaad arki lahayd qorraxda markay soo baxdo oo uga iilaneysa Hoggooda xagga midig, markay dhacdona ka goyneysa gadaal xagga bidix, iyagoo ku sugan meel ballaaran oo hogga bartanki ah.

  19. ذَٰلِكَ مِنْ آيَاتِ اللَّهِ ۗ مَن يَهْدِ اللَّهُ فَهُوَ الْمُهْتَدِ ۖ

    Dhaalika min aayaatillaahi man yahdillaahu fa-huwal-muhtad

    Arrinkani (waa mid) ka mid ah calaamooyinka Alle. Qofkuu Alle hanuuniyo uun baa hanuunsan,

  20. وَمَن يُضْلِلْ فَلَن تَجِدَ لَهُ وَلِيًّا مُّرْشِدًا ١٧

    Wa man yudlil fa-lan tajida lahuu waliyyam-murshidaa

    qofkuu lumiyana u helimeysid gargaare hanuunsha.

  21. وَتَحْسَبُهُمْ أَيْقَاظًا وَهُمْ رُقُودٌ ۚ وَنُقَلِّبُهُمْ ذَاتَ الْيَمِينِ وَذَاتَ الشِّمَالِ ۖ

    Wa taxsabuhum ayqaazan wa hum ruquudun wa nuqallibuhum dhaatal-yamiini wa dhaatash-shimaal

    Waxaad u malayn laheyd kuwa soo jeeda iyagoo jiifa, waxaana u geddinaynay kolna dhinaca midig, kolna dhinaca bidix,

  22. وَكَلْبُهُم بَاسِطٌ ذِرَاعَيْهِ بِالْوَصِيدِ ۚ لَوِ اطَّلَعْتَ عَلَيْهِمْ لَوَلَّيْتَ مِنْهُمْ فِرَارًا وَلَمُلِئْتَ مِنْهُمْ رُعْبًا ١٨

    Wa kalbuhum baasitun dhiraacayhi bil-wasiidi lawittalacta calayhim la-wallayta minhum firaaran wa la-muli'ta minhum rucbaa

    halka eygoodu (dhabbacnaa) isagoo ku fidinaya labadiisa addimood ee hore irridka laga soo galo; haddaad eegi lahayd xaggooda, waad iska soo geddiyi lahayd adigoo baxsad ah, waxaana kaa buuxsami lahaa baqdin.

  23. وَكَذَٰلِكَ بَعَثْنَاهُمْ لِيَتَسَاءَلُوا بَيْنَهُمْ ۚ قَالَ قَائِلٌ مِّنْهُمْ كَمْ لَبِثْتُمْ ۖ

    Wa kadhaalika bacathnaahum li-yatasaa'aluu baynahum qaala qaa'ilum-minhum kam labithtum

    Sidaasaana u soo kicinnay si ay isu weydiiyaan dhexdooda. Midkood hadlay baa yidhi: Immisaad joogteen (halkan)?

  24. قَالُوا لَبِثْنَا يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ ۚ

    Qaaluu labithnaa yawman aw bacda yawm

    Waxay yidhaahdeen: Waxaan joognay maalin ama maalin galinkeed.

  25. قَالُوا رَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثْتُمْ فَابْعَثُوا أَحَدَكُم بِوَرِقِكُمْ هَٰذِهِ إِلَى الْمَدِينَةِ فَلْيَنظُرْ أَيُّهَا أَزْكَىٰ طَعَامًا فَلْيَأْتِكُم بِرِزْقٍ مِّنْهُ وَلْيَتَلَطَّفْ وَلَا يُشْعِرَنَّ بِكُمْ أَحَدًا ١٩

    Qaaluu rabbukum aclamu bimaa labithtum fabcathuu axadakum bi-wariqikum haadhihii ilal-madiinati falyanzur ayyuhaa azkaa tacaaman falya'tikum bi-rizqim-minhu walyatalattaf wa laa yushciranna bikum axadaa

    (kuwo kale) waxay yidhaahdeen: Rabbigiin baa dhab u ogsoon intaad joogteen. Ee haatan ula dira midkiin lacagtani fiddada ah aad leedihiin xagga magaalada, hana fiiriyo cidda ugu cunno xalaalsan, hana idiinka keeno risiq, hana u dhaqmo si feejignaan leh iyo dhimrin, yeysanna cidina idin ogaan.

  26. إِنَّهُمْ إِن يَظْهَرُوا عَلَيْكُمْ يَرْجُمُوكُمْ أَوْ يُعِيدُوكُمْ فِي مِلَّتِهِمْ وَلَن تُفْلِحُوا إِذًا أَبَدًا ٢٠

    Innahum in yazharuu calaykum yarjumuukum aw yuciiduukum fii millatihim wa lan tuflixuu idhan abadaa

    Xaqiiq hadday idin ogaadaan way idin dhagaxyeynayaan, ama idinku qasbayaan inaad u soo laabataan diintooda, mana liibaaneysaan markaas weligiin .

  27. وَكَذَٰلِكَ أَعْثَرْنَا عَلَيْهِمْ لِيَعْلَمُوا أَنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ وَأَنَّ السَّاعَةَ لَا رَيْبَ فِيهَا إِذْ يَتَنَازَعُونَ بَيْنَهُمْ أَمْرَهُمْ ۖ

    Wa kadhaalika actharnaa calayhim li-yaclamuu anna wacdallaahi xaqqun wa annas-saacata laa rayba fiihaa idh yatanaazacuuna baynahum amrahum

    Sidaasaan uga yeellay 'dadka' inay ka war helaan arrinkooda, si ay u ogaadaan in Ballanka Alle xaq yahay iyo in Saacadda (Qiyaame) aan shaki ku jirin. Markay dhexdooda kaga murmeen xaalkooda,

  28. فَقَالُوا ابْنُوا عَلَيْهِم بُنْيَانًا ۖ رَّبُّهُمْ أَعْلَمُ بِهِمْ ۚ

    Fa-qaalubnuu calayhim bunyaanar-rabbuhum aclamu bihim

    waxay yidhaahdeen: Ka dul dhisa dhismo; Rabbigood baa aad u ogsoon iyaga.

  29. قَالَ الَّذِينَ غَلَبُوا عَلَىٰ أَمْرِهِمْ لَنَتَّخِذَنَّ عَلَيْهِم مَّسْجِدًا ٢١

    Qaalal-ladhiina ghalabuu calaa amrihim la-nattakhidhanna calayhim masjidaa

    Kuwii ku lib helay arrinkooda waxay yidhaahdeen: Waxaan ka dhiseynaa masjid halkoodii.

  30. سَيَقُولُونَ ثَلَاثَةٌ رَّابِعُهُمْ كَلْبُهُمْ وَيَقُولُونَ خَمْسَةٌ سَادِسُهُمْ كَلْبُهُمْ رَجْمًا بِالْغَيْبِ ۖ وَيَقُولُونَ سَبْعَةٌ وَثَامِنُهُمْ كَلْبُهُمْ ۚ

    Sa-yaquuluuna thalaathatur-raabicuhum kalbuhum wa yaquuluuna khamsatun saadisuhum kalbuhum rajman bil-ghaybi wa yaquuluuna sabcatun wa thaaminuhum kalbuhum

    (Qaar) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) seddex waxaana afareeyey eygoodii, (qaar kalena) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) shan waxaana lixeeyey eygoodii; iyagoo iska mala awaalaya wax ka qarsoonaa; (weliba qaar kale) waxay leeyihiin (waxay ahaayeen) toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii.

  31. قُل رَّبِّي أَعْلَمُ بِعِدَّتِهِم مَّا يَعْلَمُهُمْ إِلَّا قَلِيلٌ ۗ

    Qur-rabbii aclamu bi-ciddatihim maa yaclamuhum illaa qaliil

    Dheh: Rabbigay baa aad u ogsoon tiradooda, cidina ma oga iyaga in yar maahe.

  32. فَلَا تُمَارِ فِيهِمْ إِلَّا مِرَاءً ظَاهِرًا وَلَا تَسْتَفْتِ فِيهِم مِّنْهُمْ أَحَدًا ٢٢

    Fa-laa tumaari fiihim illaa miraa'an zaahiran wa laa tastafti fiihim minhum axadaa

    Ee ha kala doodin (arrinkooda) inaad kula doodeysid xujo cad maahee. Waxnana ha ka weydiin arrinkooda midkoodna.

  33. وَلَا تَقُولَنَّ لِشَيْءٍ إِنِّي فَاعِلٌ ذَٰلِكَ غَدًا ٢٣

    Wa laa taquulanna li-shay'in innii faacilun dhaalika ghadaa

    Ha odhan waxaasaan fali berritoole.

  34. إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّهُ ۚ وَاذْكُر رَّبَّكَ إِذَا نَسِيتَ وَقُلْ عَسَىٰ أَن يَهْدِيَنِ رَبِّي لِأَقْرَبَ مِنْ هَٰذَا رَشَدًا ٢٤

    Illaa an yashaa'allaahu wadhkur rabbaka idhaa nasiita wa qul casaa an yahdiyani rabbii li-aqraba min haadhaa rashadaa

    (adigoo aan raacin) inshaa Allaah 'Hadduu Alle idmo'. Xusuusona Rabbigaa markaad hilmaanto oo dheh: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhow arrinkani toosnaanta.

  35. وَلَبِثُوا فِي كَهْفِهِمْ ثَلَاثَ مِائَةٍ سِنِينَ وَازْدَادُوا تِسْعًا ٢٥

    Wa labithuu fii kahfihim thalaatha mi'atin siniina wazdaaduu tiscaa

    Waxay joogeen hoggoodii gudahiis saddex boqol oo sano, oo ay sagaal u dheer yihiin (sannad bileedka).

  36. قُلِ اللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا لَبِثُوا ۖ لَهُ غَيْبُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ

    Qulillaahu aclamu bimaa labithuu lahuu ghaybus-samaawaati wal-ard

    Dheh: Alle baa aad u ogsoon intay negaadeen, isagaa u (cilmi leh) waxaalaha aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada,

  37. أَبْصِرْ بِهِ وَأَسْمِعْ ۚ مَا لَهُم مِّن دُونِهِ مِن وَلِيٍّ وَلَا يُشْرِكُ فِي حُكْمِهِ أَحَدًا ٢٦

    Absir bihii wa asmic maa lahum min duunihii min waliyyin wa laa yushriku fii xukmihii axadaa

    arki ogaa oo maqli ogaa (wax walba). Ma ay laha gargaare aan Isaga aheyn, lamana wadaajiyo Xukunkiisa axadna.

  38. وَاتْلُ مَا أُوحِيَ إِلَيْكَ مِن كِتَابِ رَبِّكَ ۖ لَا مُبَدِّلَ لِكَلِمَاتِهِ وَلَن تَجِدَ مِن دُونِهِ مُلْتَحَدًا ٢٧

    Watlu maa uuxiya ilayka min kitaabi rabbika laa mubaddila li-kalimaatihii wa lan tajida min duunihii multaxadaa

    Akhri (oo raac) waxa laguu waxyooday oo Kitaabka Rabbigaa ah, ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa, mana heleysid wax ka sokeeya Isaga aad magan gashid.

  39. وَاصْبِرْ نَفْسَكَ مَعَ الَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِالْغَدَاةِ وَالْعَشِيِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُ ۖ

    Wasbir nafsaka macal-ladhiina yadcuuna rabbahum bil-ghadaati wal-cashiyyi yuriiduuna wajhah

    Oo ku samirsii naftaada inaad ahaato la jirka kuwa barya (caabuda) Rabbigood subax iyo galabba iyagoo doonaya Wajigiisa,

  40. وَلَا تَعْدُ عَيْنَاكَ عَنْهُمْ تُرِيدُ زِينَةَ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ

    Wa laa tacdu caynaaka canhum turiidu ziinatal-xayaatid-dunyaa

    hana dhaafin xaggooda labadaada indhood adigoo doonaya qurxuda noloshan adduunka,

  41. وَلَا تُطِعْ مَنْ أَغْفَلْنَا قَلْبَهُ عَن ذِكْرِنَا وَاتَّبَعَ هَوَاهُ وَكَانَ أَمْرُهُ فُرُطًا ٢٨

    Wa laa tutic man aghfalnaa qalbahuu can dhikrinaa wattabaca hawaahu wa kaana amruhuu furutaa

    hana adeecin mid aan qalbigiisa ka dhoohnay Xusiddayada oo raaca hawadiisa, arrinkiisuna yahay gabood fal.

  42. وَقُلِ الْحَقُّ مِن رَّبِّكُمْ ۖ فَمَن شَاءَ فَلْيُؤْمِن وَمَن شَاءَ فَلْيَكْفُرْ ۚ

    Wa qulil-xaqqu mir-rabbikum fa-man shaa'a falyu'min wa man shaa'a falyakfur

    Dheh: Xaqu wuxuu ka ahaaday xagga Rabbigiin, ee qofkii doonaa ha rumeeyo, qofkii doonaana ha gaaloobo;

  43. إِنَّا أَعْتَدْنَا لِلظَّالِمِينَ نَارًا أَحَاطَ بِهِمْ سُرَادِقُهَا ۚ

    Innaa actadnaa liz-zaalimiina naaran axaata bihim suraadiquhaa

    Waxaan Annagu u diyaarinnay daalimiinta Naar ay gidaarradeedu koobi,

  44. وَإِن يَسْتَغِيثُوا يُغَاثُوا بِمَاءٍ كَالْمُهْلِ يَشْوِي الْوُجُوهَ ۚ بِئْسَ الشَّرَابُ وَسَاءَتْ مُرْتَفَقًا ٢٩

    Wa in yastaghiithuu yughaathuu bi-maa'in kal-muhli yashwil-wujuuha bi'sash-sharaabu wa saa'at murtafaqaa

    hadday dalbadaan gargaar biyood waxaa loogu gargaari biyo daamur oo kale ah oo soli wajiyadooda. Xumaa cabbitaanka, oo u xumaa meel xusul la dhigo.

  45. إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجْرَ مَنْ أَحْسَنَ عَمَلًا ٣٠

    Innal-ladhiina aamanuu wa camilus-saalixaati innaa laa nudiicu ajra man axsana camalaa

    Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha, Annagu ma dayacno abaalgudka ciddii wanaajisa camalka.

  46. أُولَٰئِكَ لَهُمْ جَنَّاتُ عَدْنٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهِمُ الْأَنْهَارُ يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍ وَيَلْبَسُونَ ثِيَابًا خُضْرًا مِّن سُندُسٍ وَإِسْتَبْرَقٍ مُّتَّكِئِينَ فِيهَا عَلَى الْأَرَائِكِ ۚ

    Ulaa'ika lahum jannaatu cadnin tajrii min taxtihimul-anhaaru yuxallawna fiihaa min asaawira min dhahabin wa yalbasuuna thiyaaban khudram-min sundusin wa istabraqim-muttaki'iina fiihaa calal-araa'ik

    Waa kuwaa kuwa abaalgudkoodu yahay beero negaya (Jannooyinka Cadnin) oo ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, waxaa lagu qurxin iyagaa Jannada gudaheeda jijimo dahab ah, oo labbisan qamiisyo cagaaran oo ka sameysan xariir jilicsan iyo xariir adagba iyagoo ku dangiigsan sariiro heer sare ah dushood.

  47. نِعْمَ الثَّوَابُ وَحَسُنَتْ مُرْتَفَقًا ٣١

    Nicmath-thawaabu wa xasunat murtafaqaa

    Wanaagsanaa abaalgdukaa, oo u fiicanaa meel lagu dego oo la xusul dhigo.

  48. وَاضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا رَّجُلَيْنِ جَعَلْنَا لِأَحَدِهِمَا جَنَّتَيْنِ مِنْ أَعْنَابٍ وَحَفَفْنَاهُمَا بِنَخْلٍ وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمَا زَرْعًا ٣٢

    Wadrib lahum mathalar-rajulayni jacalnaa li-axadihimaa jannatayni min acnaabin wa xafafnaahumaa bi-nakhlin wa jacalnaa baynahumaa zarcaa

    Ugu soo qaadna tusaale labo nin oo aan midkood u yeellay labo beerood oo canab ah oo aan ku hareereynay labadaba geedo timireed, oo aan ka soo saarnay dhexdooda sarac kala duwan.

  49. كِلْتَا الْجَنَّتَيْنِ آتَتْ أُكُلَهَا وَلَمْ تَظْلِم مِّنْهُ شَيْئًا ۚ وَفَجَّرْنَا خِلَالَهُمَا نَهَرًا ٣٣

    Kiltal-jannatayni aatat ukulahaa wa lam tazlim minhu shay'an wa fajjarnaa khilaalahumaa naharaa

    Mid walbaa labada beeroodba ay soo saartay midhaheeda iyadoo aan waxba ka dhimin, kana burqinnay dhexdooda webi.

  50. وَكَانَ لَهُ ثَمَرٌ فَقَالَ لِصَاحِبِهِ وَهُوَ يُحَاوِرُهُ أَنَا أَكْثَرُ مِنكَ مَالًا وَأَعَزُّ نَفَرًا ٣٤

    Wa kaana lahuu thamarun fa-qaala li-saaxibihii wa huwa yuxaawiruhuu anaa aktharu minka maalan wa acazzu nafaraa

    Midhona uu leeyahay markaasuu ku yidhi saaxiibki isagoo ay is la doodayaan: Anaa kaa maal badan oo kaa tol iyo tabar roon.

  51. وَدَخَلَ جَنَّتَهُ وَهُوَ ظَالِمٌ لِّنَفْسِهِ قَالَ مَا أَظُنُّ أَن تَبِيدَ هَٰذِهِ أَبَدًا ٣٥

    Wa dakhala jannatahuu wa huwa zaalimul-li-nafsihii qaala maa azunnu an tabiida haadhihii abadaa

    Wuxuu galay beertiisii isagoo dulmiyey naftiisa. Wuxuu yidhi: u malayn mahayo inay (beer) tani baabba’ayso waligeed.

  52. وَمَا أَظُنُّ السَّاعَةَ قَائِمَةً وَلَئِن رُّدِدتُّ إِلَىٰ رَبِّي لَأَجِدَنَّ خَيْرًا مِّنْهَا مُنقَلَبًا ٣٦

    Wa maa azunnus-saacata qaa'imatan wa la'ir-rudittu ilaa rabbii la-ajidanna khayram-minhaa munqalabaa

    Umana malaynayo inay Saacadda (Qiyaame) weligeed dhici, haddii la ii celiyona xagga Rabbigay waxaan ka heli meel tani ka rug doorsi iyo meel noqosho fiican.

  53. قَالَ لَهُ صَاحِبُهُ وَهُوَ يُحَاوِرُهُ أَكَفَرْتَ بِالَّذِي خَلَقَكَ مِن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ سَوَّاكَ رَجُلًا ٣٧

    Qaala lahuu saaxibuhuu wa huwa yuxaawiruhuu akafarta bil-ladhii khalaqaka min turaabin thumma min nutfatin thumma sawwaaka rajulaa

    Wuxuu saaxiibkiis ku yidhi isagoo la doodaya; Ma waxaad ku gaalowday Kan Isagu kaa abuuray carro, haddana dhibic mani ah, haddana kaa dhigay nin dhan.

  54. لَّٰكِنَّا هُوَ اللَّهُ رَبِّي وَلَا أُشْرِكُ بِرَبِّي أَحَدًا ٣٨

    Laakinna huwallaahu rabbii wa laa ushriku bi-rabbii axadaa

    Waa se Allaah, Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna Rabbigay cibaadada.

  55. وَلَوْلَا إِذْ دَخَلْتَ جَنَّتَكَ قُلْتَ مَا شَاءَ اللَّهُ لَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللَّهِ ۚ إِن تَرَنِ أَنَا أَقَلَّ مِنكَ مَالًا وَوَلَدًا ٣٩

    Wa lawlaa idh dakhalta jannataka qulta maa shaa'allaahu laa quwwata illaa billaahi in tarani anaa aqalla minka maalan wa waladaa

    Maxaadan markaad gashay beertaada u odhan: Maashaa Allaah (waxa uu Alle doono ayaa ahaan)! Ma jiro xoog 'iyo xeelad' xagga Alle mooyee? Haddaad aragtay inaan kaa maal iyo carruur yarahay.

  56. فَعَسَىٰ رَبِّي أَن يُؤْتِيَنِ خَيْرًا مِّن جَنَّتِكَ وَيُرْسِلَ عَلَيْهَا حُسْبَانًا مِّنَ السَّمَاءِ فَتُصْبِحَ صَعِيدًا زَلَقًا ٤٠

    Fa-casaa rabbii an yu'tiyani khayram-min jannatika wa yursila calayhaa xusbaanam-minas-samaa'i fa-tusbixa saciidan zalaqaa

    Waa intaasoo uu Rabbigay i siiyo wax ka khayr badan beertaada, kuna soo diro biriq cir ka soo dhac ah, markaas noqoto dhul gabiib ah oo aan dhir lahayn.

  57. أَوْ يُصْبِحَ مَاؤُهَا غَوْرًا فَلَن تَسْتَطِيعَ لَهُ طَلَبًا ٤١

    Aw yusbixa maa'uhaa ghawran fa-lan tastatiica lahuu talabaa

    Ama ahaadaan biyaheedu kuwa gudha, oo aad kari doonin inaad gaarto.

  58. وَأُحِيطَ بِثَمَرِهِ فَأَصْبَحَ يُقَلِّبُ كَفَّيْهِ عَلَىٰ مَا أَنفَقَ فِيهَا وَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَيَقُولُ يَا لَيْتَنِي لَمْ أُشْرِكْ بِرَبِّي أَحَدًا ٤٢

    Wa uxiita bi-thamarihii fa-asbaxa yuqallibu kaffayhi calaa maa anfaqa fiihaa wa hiya khaawiyatun calaa curuushihaa wa yaquulu yaa laytanii lam ushrik bi-rabbii axadaa

    Waa la koobay midhahiisii (oo la baabba’iyey), markaasuu wuxuu billaabay inuu 'kor iyo hoos u' geddiyo calaacalahiisa wuxuu maal ku baxshay darteed, iyadoo cid la’ ah oo isku soo hoos dhaceen saqafyadeedii, wuxuuna yidhi: Alla anigaa! Ii rooneydaa inaan la wadaajin Rabbigay cibaadada cidna.

  59. وَلَمْ تَكُن لَّهُ فِئَةٌ يَنصُرُونَهُ مِن دُونِ اللَّهِ وَمَا كَانَ مُنتَصِرًا ٤٣

    Wa lam takul-lahuu fi'atun yansuruunahuu min duunillaahi wa maa kaana muntasiraa

    Uma ahaanin koox u gargaarta oo Alle sokadi ah, mana aha mid is difaaci kara.

  60. هُنَالِكَ الْوَلَايَةُ لِلَّهِ الْحَقِّ ۚ هُوَ خَيْرٌ ثَوَابًا وَخَيْرٌ عُقْبًا ٤٤

    Hunaalikal-walaayatu lillaahil-xaqqi huwa khayrun thawaaban wa khayrun cuqbaa

    Halkaasi, awood oo dhan waxaa leh Allaah, Xaqa ah. Isagaa u abaal marin wanaagsan oo u cidhib san.

  61. وَاضْرِبْ لَهُم مَّثَلَ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا كَمَاءٍ أَنزَلْنَاهُ مِنَ السَّمَاءِ فَاخْتَلَطَ بِهِ نَبَاتُ الْأَرْضِ فَأَصْبَحَ هَشِيمًا تَذْرُوهُ الرِّيَاحُ ۗ

    Wadrib lahum mathalal-xayaatid-dunyaa ka-maa'in anzalnaahu minas-samaa'i fakhtalata bihii nabaatul-ardi fa-asbaxa hashiiman tadhruuhur-riyaax

    Ugu soo qaad tusaale nolosha adduunkan inay la mid tahay biyaha aan ka soo dejinno daruuraha, markaa dhirta ka soo baxda dhulka noqoto mid isku darsanta, haddana noqota xaabo engeg ah u burburta gaballo ay dabeyshu firdhiso.

  62. وَكَانَ اللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ مُّقْتَدِرًا ٤٥

    Wa kaanallaahu calaa kulli shay'im-muqtadiraa

    Alle wuxuu ku leeyahay awood wax walba dushood.

  63. الْمَالُ وَالْبَنُونَ زِينَةُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ وَالْبَاقِيَاتُ الصَّالِحَاتُ خَيْرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابًا وَخَيْرٌ أَمَلًا ٤٦

    Al-maalu wal-banuuna ziinatul-xayaatid-dunyaa wal-baaqiyaatus-saalixaatu khayrun cinda rabbika thawaaban wa khayrun amalaa

    Maalka iyo carruurtu waa quruxda nolosha adduunkan, ha yeeshee (Alle Xuska iyo) camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa xagga Rabbigaa khayr roon oo rajo wanaagsan.

  64. وَيَوْمَ نُسَيِّرُ الْجِبَالَ وَتَرَى الْأَرْضَ بَارِزَةً وَحَشَرْنَاهُمْ فَلَمْ نُغَادِرْ مِنْهُمْ أَحَدًا ٤٧

    Wa yawma nusayyirul-jibaala wa taral-arda baarizatan wa xasharnaahum fa-lam nughaadir minhum axadaa

    Oo (ka dig) maalinta aan ka yeeli buuraha inay tagaan, waxaadna arki dhulka oo ban muuqda ahoo siman, waxaanu soo kulmin iyaga Annagoo aan uga soo tagin gadaal midkoodna.

  65. وَعُرِضُوا عَلَىٰ رَبِّكَ صَفًّا لَّقَدْ جِئْتُمُونَا كَمَا خَلَقْنَاكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ ۚ بَلْ زَعَمْتُمْ أَلَّن نَّجْعَلَ لَكُم مَّوْعِدًا ٤٨

    Wa curiduu calaa rabbika saffal-laqad ji'tumuunaa kamaa khalaqnaakum awwala marratin bal zacamtum allan najcala lakum mawcidaa

    Waxaa la keeni Rabbigaa horti iyagoo u taagan saf saf: Waxaad dhab ahaan noogu timaaddeen idinkoo ah sidii aan idiin abuurnay kal hore (cago cad oo qaawan). Mayee waxaad mooddeen inaynu idiin yeelin waqti aan ku oofiinno ballanka.

  66. وَوُضِعَ الْكِتَابُ فَتَرَى الْمُجْرِمِينَ مُشْفِقِينَ مِمَّا فِيهِ وَيَقُولُونَ يَا وَيْلَتَنَا مَالِ هَٰذَا الْكِتَابِ لَا يُغَادِرُ صَغِيرَةً وَلَا كَبِيرَةً إِلَّا أَحْصَاهَا ۚ

    Wa wudical-kitaabu fa-taral-mujrimiina mushfiqiina mimmaa fiihi wa yaquuluuna yaa waylatanaa maali haadhal-kitaabi laa yughaadiru saghiiratan wa laa kabiiratan illaa axsaahaa

    Waxaa la soo hor dhigi Kitaabka (camalladooda ku qoran yihiin), markaasaad arkeysaa denbiilayaasha oo ka baqaya waxa ku yaal. Waxayna odhan: Alla hooggayaga'e! Muxuu yahay Kitaabkani aan dhaafeyn wax yar iyo wax weynba inuu tiro koobo ma’ahee,

  67. وَوَجَدُوا مَا عَمِلُوا حَاضِرًا ۗ وَلَا يَظْلِمُ رَبُّكَ أَحَدًا ٤٩

    Wa wajaduu maa camiluu xaadiran wa laa yazlimu rabbuka axadaa

    waxayna heli waxay camal faleen oo hortooda yaal. Ma dulmiyo Rabbigaa axadna.

  68. وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ الْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ ۗ

    Wa idh qulnaa lil-malaa'ikatisjuduu li-Aadama fa-sajaduu illaa Ibliisa kaana minal-jinni fa-fasaqa can amri rabbih

    (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, oo ay u sujuudeen Ibliis maahee (ma u yeelin). Wuxuu ka mid ahaa jinka; wuxuu caasiyey Amarka Rabbigi.

  69. أَفَتَتَّخِذُونَهُ وَذُرِّيَّتَهُ أَوْلِيَاءَ مِن دُونِي وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّ ۚ بِئْسَ لِلظَّالِمِينَ بَدَلًا ٥٠

    Afatattakhidhuunahuu wa dhurriyyatahuu awliyaa'a min duunii wa hum lakum caduwwun bi'sa liz-zaalimiina badalaa

    Ee ma waxaad ka yeelaneysaan isaga iyo durrayaddiisa gargaarayaal Aniga ka sokow iyagoo cadow idiin ah? Xumaa waxay wax ku doorsadeen daalimiintu.

  70. مَّا أَشْهَدتُّهُمْ خَلْقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَلَا خَلْقَ أَنفُسِهِمْ وَمَا كُنتُ مُتَّخِذَ الْمُضِلِّينَ عَضُدًا ٥١

    Maa ashhattuhum khalqas-samaawaati wal-ardi wa laa khalqa anfusihim wa maa kuntu muttakhidhal-mudilliina cadudaa

    Ugama dhigan marag kuwaas abuurista samooyinka iyo arlada iyo abuurista nafahooda midna, mana Ahi mid ka yeelan kuwa wax dhumiya cudud.

  71. وَيَوْمَ يَقُولُ نَادُوا شُرَكَائِيَ الَّذِينَ زَعَمْتُمْ فَدَعَوْهُمْ فَلَمْ يَسْتَجِيبُوا لَهُمْ وَجَعَلْنَا بَيْنَهُم مَّوْبِقًا ٥٢

    Wa yawma yaquulu naaduu shurakaa'iyal-ladhiina zacamtum fa-dacawhum fa-lam yastajiibuu lahum wa jacalnaa baynahum mawbiqaa

    (Ka dig) Maalinta uu Alle odhan: U yeedha kuwa aad u heysateen inay yihiin shurukadeyda (oo aad ila barbar caabuddeen). Markaasay u yeedhi, uma ay se jawaabayaan, waxaanuna yeeli dhexdooda xannib.

  72. وَرَأَى الْمُجْرِمُونَ النَّارَ فَظَنُّوا أَنَّهُم مُّوَاقِعُوهَا وَلَمْ يَجِدُوا عَنْهَا مَصْرِفًا ٥٣

    Wa ra'al-mujrimuunan-naara fa-zannuu annahum muwaaqicuuhaa wa lam yajiduu canhaa masrifaa

    Waxay arki denbiilayaashu Naarta, oo yaqiinsan inay ku dhici, mana helayaan meelay kaga weecdaan.

  73. وَلَقَدْ صَرَّفْنَا فِي هَٰذَا الْقُرْآنِ لِلنَّاسِ مِن كُلِّ مَثَلٍ ۚ وَكَانَ الْإِنسَانُ أَكْثَرَ شَيْءٍ جَدَلًا ٥٤

    Wa laqad sarrafnaa fii haadhal-qur'aani lin-naasi min kulli mathalin wa kaanal-insaanu akthara shay'in jadalaa

    Waxaan dhab ahaan dadka ugu caddaynay Qur’aankan nooc kasta oo tusaale ah. Aadmigu waa kan wax walba ugu dood badan.

  74. وَمَا مَنَعَ النَّاسَ أَن يُؤْمِنُوا إِذْ جَاءَهُمُ الْهُدَىٰ وَيَسْتَغْفِرُوا رَبَّهُمْ إِلَّا أَن تَأْتِيَهُمْ سُنَّةُ الْأَوَّلِينَ أَوْ يَأْتِيَهُمُ الْعَذَابُ قُبُلًا ٥٥

    Wa maa manacan-naasa an yu'minuu idh jaa'ahumul-hudaa wa yastaghfiruu rabbahum illaa an ta'tiyahum sunnatul-awwaliina aw ya'tiyahumul-cadhaabu qubulaa

    Ma jiro wax ka cesha dadka inay rumeeyaan markuu Hanuunku u yimid iyo inay weydiistaan denbi dhaaf Rabbigood, aan ahayn 'dalabkooda' inay u timaaddo wixii ku dhacay kuwii hore, ama uu ugu yimaado cadaabka si fool ka fool ah.

  75. وَمَا نُرْسِلُ الْمُرْسَلِينَ إِلَّا مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ ۚ وَيُجَادِلُ الَّذِينَ كَفَرُوا بِالْبَاطِلِ لِيُدْحِضُوا بِهِ الْحَقَّ ۖ وَاتَّخَذُوا آيَاتِي وَمَا أُنذِرُوا هُزُوًا ٥٦

    Wa maa nursilul-mursaliina illaa mubashshiriina wa mundhiriina wa yujaadilul-ladhiina kafaruu bil-baatili li-yudxiduu bihil-xaqqa wattakhadhuu aayaatii wa maa undhiruu huzuwaa

    Uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyayaal iyo digayaal, waxayna kuwa gaalooba ku doodaan baadil si ay ugu buriyaan Xaqa Oo ka dhigtaan Aayadahayga iyo waxa looga digo dheel dheel.

  76. وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِآيَاتِ رَبِّهِ فَأَعْرَضَ عَنْهَا وَنَسِيَ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ ۚ

    Wa man azlamu mimman dhukkira bi-aayaati rabbihii fa-acrada canhaa wa nasiya maa qaddamat yadaah

    Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi, markaas ka sii jeesada hilmaamana waxay labadiisa gacmood horay u geysteen (oo denbiyo ah)?

  77. إِنَّا جَعَلْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ أَكِنَّةً أَن يَفْقَهُوهُ وَفِي آذَانِهِمْ وَقْرًا ۖ

    Innaa jacalnaa calaa quluubihim akinnatan an yafqahuuhu wa fii aadhaanihim waqraa

    Hubaal waxaanu yeellay daboollo quluubtooda dushood si aanay u fahmin, iyo culeys dhegahooda,

  78. وَإِن تَدْعُهُمْ إِلَى الْهُدَىٰ فَلَن يَهْتَدُوا إِذًا أَبَدًا ٥٧

    Wa in tadcuhum ilal-hudaa fa-lan yahtaduu idhan abadaa

    haddaad ugu yeedho hanuunkana, ma hanuunayaan weligood.

  79. وَرَبُّكَ الْغَفُورُ ذُو الرَّحْمَةِ ۖ لَوْ يُؤَاخِذُهُم بِمَا كَسَبُوا لَعَجَّلَ لَهُمُ الْعَذَابَ ۚ بَل لَّهُم مَّوْعِدٌ لَّن يَجِدُوا مِن دُونِهِ مَوْئِلًا ٥٨

    Wa rabbukal-ghafuuru dhur-raxmati law yu'aakhidhuhum bimaa kasabuu la-cajjala lahumul-cadhaaba bal lahum mawcidul-lan yajiduu min duunihii maw'ilaa

    Rabbigaa (Alle) waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan. Hadduu u qaban dadka waxay kasbadaan (oo denbiyo ah), wuxuu u soo dedejin lahaa cadaabka. Waxayse leeyihiin waqti go'an (Maalinta Qiyaamaha) oo aanay helayn meelay (kaga baxsadaan ama) ka magan galaan.

  80. وَتِلْكَ الْقُرَىٰ أَهْلَكْنَاهُمْ لَمَّا ظَلَمُوا وَجَعَلْنَا لِمَهْلِكِهِم مَّوْعِدًا ٥٩

    Wa tilkal-quraa ahlaknaahum lammaa zalamuu wa jacalnaa li-mahlikihim mawcidaa

    Magaalooyinkaa (reer Caad iyo Thamuud, iwm) waan halaagnay markay dulmi (shirki iyo macaasi) faleen, waxaana u yeellay halaaggoodii waqti go’an.

  81. وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِفَتَاهُ لَا أَبْرَحُ حَتَّىٰ أَبْلُغَ مَجْمَعَ الْبَحْرَيْنِ أَوْ أَمْضِيَ حُقُبًا ٦٠

    Wa idh qaala Muusaa li-fataahu laa abraxu xattaa ablugha majmacal-baxrayni aw amdiya xuqubaa

    (Xus) markuu Muuse ku yidhi adeegahiisii (Yuushac bin Nuun): Ma joogayo jeer aan gaaro halkay ku kulmaan labada badood ama aan iska socdo oo wado socodka sannado badan.

  82. فَلَمَّا بَلَغَا مَجْمَعَ بَيْنِهِمَا نَسِيَا حُوتَهُمَا فَاتَّخَذَ سَبِيلَهُ فِي الْبَحْرِ سَرَبًا ٦١

    Fa-lammaa balaghaa majmaca baynihimaa nasiyaa xuutahumaa fattakhadha sabiilahuu fil-baxri sarabaa

    Markayse gaadheen halkay ku kulmaan labada (badood) waxay hilmameen kalluunkoodii, oo ka dhigtay jidkiisa badda gudaheeda god oo kale.

  83. فَلَمَّا جَاوَزَا قَالَ لِفَتَاهُ آتِنَا غَدَاءَنَا لَقَدْ لَقِينَا مِن سَفَرِنَا هَٰذَا نَصَبًا ٦٢

    Fa-lammaa jaawazaa qaala li-fataahu aatinaa ghadaa'anaa laqad laqiinaa min safarinaa haadhaa nasabaa

    Markay in badan dhaafeen, wuxuu (Muuse) ku yidhi adeegihiisii: Noo keen qadadeenna; dhab ahaan waxaan kala kulannay safarkeennani daal badan.

  84. قَالَ أَرَأَيْتَ إِذْ أَوَيْنَا إِلَى الصَّخْرَةِ فَإِنِّي نَسِيتُ الْحُوتَ وَمَا أَنسَانِيهُ إِلَّا الشَّيْطَانُ أَنْ أَذْكُرَهُ ۚ

    Qaala ara'ayta idh awaynaa ilas-sakhrati fa-innii nasiitul-xuuta wa maa ansaaniihu illash-shaytaanu an adhkurah

    (Yuushac) wuxuu yidhi: Ma aragtay markaan ku nasannay buurtii dhagaxa ahayd, waxaan hilmaamay kalluunkii, mana jiro wax I hilmaansiiyey inaan xuso aan ahayn shaydaan.

  85. وَاتَّخَذَ سَبِيلَهُ فِي الْبَحْرِ عَجَبًا ٦٣

    Wattakhadha sabiilahuu fil-baxri cajabaa

    Wuxuuna (kalluunka) qaaday jidkiisa xagga badda si cajab leh!

  86. قَالَ ذَٰلِكَ مَا كُنَّا نَبْغِ ۚ فَارْتَدَّا عَلَىٰ آثَارِهِمَا قَصَصًا ٦٤

    Qaala dhaalika maa kunnaa nabghi fartaddaa calaa aathaarihimaa qasasaa

    (Muuse) wuxuu yidhi: Arrinkani waa waxaanu doonaynay, markaasay dib u noqdeen iyagoo qaadaya raadadkoodii.

  87. فَوَجَدَا عَبْدًا مِّنْ عِبَادِنَا آتَيْنَاهُ رَحْمَةً مِّنْ عِندِنَا وَعَلَّمْنَاهُ مِن لَّدُنَّا عِلْمًا ٦٥

    Fa-wajadaa cabdam-min cibaadinaa aataynaahu raxmatam-min cindinaa wa callamnaahu mil-ladunnaa cilmaa

    Markaasay ka heleen halkaa addoon ka mid ah addoomahayga oo aan siinnay Naxariis xaggayaga ah, kaasoo aan ka barnay Xaggayaga cilmi.

  88. قَالَ لَهُ مُوسَىٰ هَلْ أَتَّبِعُكَ عَلَىٰ أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمْتَ رُشْدًا ٦٦

    Qaala lahuu Muusaa hal attabicuka calaa an tucallimani mimmaa cullimta rushdaa

    Muuse wuxuu ku yidhi: Ma ku raaci karaa si aad ii barto waxa lagu baray oo cilmi ah lagu hanuuno.

  89. قَالَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِيَ صَبْرًا ٦٧

    Qaala innaka lan tastatiica maciya sabraa

    (Khadir) wuxuu yidhi: Adigu ma kareysid la jirkayga samir.

  90. وَكَيْفَ تَصْبِرُ عَلَىٰ مَا لَمْ تُحِطْ بِهِ خُبْرًا ٦٨

    Wa kayfa tasbiru calaa maa lam tuxit bihii khubraa

    Sidee baadna ugu samir yeelan waxaadan cilmi ku koobin?

  91. قَالَ سَتَجِدُنِي إِن شَاءَ اللَّهُ صَابِرًا وَلَا أَعْصِي لَكَ أَمْرًا ٦٩

    Qaala sa-tajidunii in shaa'allaahu saabiran wa laa acsii laka amraa

    (Muuse) wuxuu yidhi: Haddii Alle Idmo, waxaad iga heli samir, kugumana caasinayo arrinna.

  92. قَالَ فَإِنِ اتَّبَعْتَنِي فَلَا تَسْأَلْنِي عَن شَيْءٍ حَتَّىٰ أُحْدِثَ لَكَ مِنْهُ ذِكْرًا ٧٠

    Qaala fa-inittabactanii fa-laa tas'alnii can shay'in xattaa uxditha laka minhu dhikraa

    (Khadir) wuxuu yidhi: Haddaad i raacdo markaa yeysan jirin wax aad wax iga wey- diiso jeer aan kaaga warramo maahee.

  93. فَانطَلَقَا حَتَّىٰ إِذَا رَكِبَا فِي السَّفِينَةِ خَرَقَهَا ۖ قَالَ أَخَرَقْتَهَا لِتُغْرِقَ أَهْلَهَا لَقَدْ جِئْتَ شَيْئًا إِمْرًا ٧١

    Fantalaqaa xattaa idhaa rakibaa fis-safiinati kharaqahaa qaala akharaqtahaa li-tughriqa ahlahaa laqad ji'ta shay'an imraa

    Markaasay tageen ilaa ay koreen doonni, oo uu duleeliyey (looxii doonta); (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad u duleelisay inaad qarqido dadkeeda? Waxaad la timid arrin fool xun.

  94. قَالَ أَلَمْ أَقُلْ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِيَ صَبْرًا ٧٢

    Qaala alam aqul innaka lan tastatiica maciya sabraa

    Wuxuu yiri: Miyaanan kugu odhan, adigu ma kareysid la jirkayga samir?

  95. قَالَ لَا تُؤَاخِذْنِي بِمَا نَسِيتُ وَلَا تُرْهِقْنِي مِنْ أَمْرِي عُسْرًا ٧٣

    Qaala laa tu'aakhidhnii bimaa nasiitu wa laa turhiqnii min amrii cusraa

    (Muuse) wuxuu yidhi: Ha ii qabanin waxaan hilmaamo, hana igu kallifin wax adag aan dhibsado arrinkaygan (wax barashada) darteed.

  96. فَانطَلَقَا حَتَّىٰ إِذَا لَقِيَا غُلَامًا فَقَتَلَهُ قَالَ أَقَتَلْتَ نَفْسًا زَكِيَّةً بِغَيْرِ نَفْسٍ لَّقَدْ جِئْتَ شَيْئًا نُّكْرًا ٧٤

    Fantalaqaa xattaa idhaa laqiyaa ghulaaman fa-qatalahuu qaala aqatalta nafsan zakiyyatan bi-ghayri nafsil-laqad ji'ta shay'an nukraa

    Way tageen ilaa ay la kulmeen wiil (yar), markaasuu dilay. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad dishay naf daahir ah oo aan naf dilin? Waxaad la timid wax xun oo aan la qaadan karin.

  97. قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكَ إِنَّكَ لَن تَسْتَطِيعَ مَعِيَ صَبْرًا ٧٥

    Qaala alam aqul laka innaka lan tastatiica maciya sabraa

    (Khadir) wuxuu yidhi: Miyaanan kugu odhan:Adigu ma kareysid la jirkeyga samir?

  98. قَالَ إِن سَأَلْتُكَ عَن شَيْءٍ بَعْدَهَا فَلَا تُصَاحِبْنِي ۖ قَدْ بَلَغْتَ مِن لَّدُنِّي عُذْرًا ٧٦

    Qaala in sa'altuka can shay'in bacdahaa fa-laa tusaaxibnii qad balaghta mil-ladunnii cudhraa

    (Muuse) wuxuu yidhi: Haddaan ku weydiiyo wax ka dambeeya tani, haba yee- lin inaan kula socdo, waxaad dhab ahaan heshay cudur daar xagga arrinkeyga.

  99. فَانطَلَقَا حَتَّىٰ إِذَا أَتَيَا أَهْلَ قَرْيَةٍ اسْتَطْعَمَا أَهْلَهَا فَأَبَوْا أَن يُضَيِّفُوهُمَا فَوَجَدَا فِيهَا جِدَارًا يُرِيدُ أَن يَنقَضَّ فَأَقَامَهُ ۖ

    Fantalaqaa xattaa idhaa atayaa ahla qaryatinistatcamaa ahlahaa fa-abaw an yudayyifuuhumaa fa-wajadaa fiihaa jidaaran yuriidu an yanqadda fa-aqaamah

    Way tageen jeer markay ku yimaadeen dad magaalo deggan, waxay weydiisteen cunno dadkeeda, wayse diideen inay marti sooraan; markaasay waxay heleen gudaheeda gidaar dumi raba, markaasuu (Khadir) toosiyey.

  100. قَالَ لَوْ شِئْتَ لَاتَّخَذْتَ عَلَيْهِ أَجْرًا ٧٧

    Qaala law shi'ta lattakhadhta calayhi ajraa

    (Muuse) Wuxuu yidhi: Haddaad doonto, waxaad ku qaadan lahayd ujro.

  101. قَالَ هَٰذَا فِرَاقُ بَيْنِي وَبَيْنِكَ ۚ سَأُنَبِّئُكَ بِتَأْوِيلِ مَا لَمْ تَسْتَطِع عَّلَيْهِ صَبْرًا ٧٨

    Qaala haadhaa firaaqu baynii wa baynika sa-unabbi'uka bi-ta'wiili maa lam tastatic calayhi sabraa

    (Khadir) wuxuu yidhi: Kan waa kala tagga dhexdeenna aniga iyo adiga, ee waxaan kuu sheegi fasiraadda waxaad u samir yeelan kari weyday.

  102. أَمَّا السَّفِينَةُ فَكَانَتْ لِمَسَاكِينَ يَعْمَلُونَ فِي الْبَحْرِ فَأَرَدتُّ أَنْ أَعِيبَهَا وَكَانَ وَرَاءَهُم مَّلِكٌ يَأْخُذُ كُلَّ سَفِينَةٍ غَصْبًا ٧٩

    Ammas-safiinatu fa-kaanat li-masaakiina yacmaluuna fil-baxri fa-arattu an aciibahaa wa kaana waraa'ahum malikun ya'khudhu kulla safiinatin ghasbaa

    Ma doonnida, waxaa lahaa dad masaa- kiin ah oo badda ka xoogsada. Waxaana doonay inaan ceeb u yeelo, waayo waxaa hortooda ahaa boqor ku qaata doonni walba (oo hagaagsan) qasab.

  103. وَأَمَّا الْغُلَامُ فَكَانَ أَبَوَاهُ مُؤْمِنَيْنِ فَخَشِينَا أَن يُرْهِقَهُمَا طُغْيَانًا وَكُفْرًا ٨٠

    Wa ammal-ghulaamu fa-kaana abawaahu mu'minayni fa-khashiinaa an yurhiqahumaa tughyaanan wa kufraa

    Wiilkana, waxay labadiisii waalid ahaayeen mu’ miniin, waxaana ka baqnay inuu ku dhibo xadgudub iyo abaal dhac.

  104. فَأَرَدْنَا أَن يُبْدِلَهُمَا رَبُّهُمَا خَيْرًا مِّنْهُ زَكَاةً وَأَقْرَبَ رُحْمًا ٨١

    Fa-aradnaa an yubdilahumaa rabbuhumaa khayram-minhu zakaatan wa aqraba ruxmaa

    Waxaana doonnay inuu ugu beddelo Rabbigood mid ka khayr roon daahirinimo oo naxariisasho dhow.

  105. وَأَمَّا الْجِدَارُ فَكَانَ لِغُلَامَيْنِ يَتِيمَيْنِ فِي الْمَدِينَةِ وَكَانَ تَحْتَهُ كَنزٌ لَّهُمَا وَكَانَ أَبُوهُمَا صَالِحًا فَأَرَادَ رَبُّكَ أَن يَبْلُغَا أَشُدَّهُمَا وَيَسْتَخْرِجَا كَنزَهُمَا رَحْمَةً مِّن رَّبِّكَ ۚ

    Wa ammal-jidaaru fa-kaana li-ghulaamayni yatiimayni fil-madiinati wa kaana taxtahuu kanzul-lahumaa wa kaana abuuhumaa saalixan fa-araada rabbuka an yablughaa ashuddahumaa wa yastakhrijaa kanzahumaa raxmatam-mir-rabbik

    Gidaarkana, waxaa lahaa labo wiil oo agoomo ah oo magaalada jooga; waxaana hoostiisa yaalay khaznad maal ah ay iyagu leeyihiin; wuxuuna ahaa aabbahood qof wanaagsan, marka Wuxuu Rabbigaa doonay inay qaan gaaraan oo la soo baxaan khasnaddooda, naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa;

  106. وَمَا فَعَلْتُهُ عَنْ أَمْرِي ۚ ذَٰلِكَ تَأْوِيلُ مَا لَمْ تَسْطِع عَّلَيْهِ صَبْرًا ٨٢

    Wa maa facaltuhuu can amrii dhaalika ta'wiilu maa lam tastic calayhi sabraa

    kumana aan samayn waxaan falay amarkayga. Waana kaas tafsiirka (arrimihii) aad u samir yeelan kari weyday.

  107. وَيَسْأَلُونَكَ عَن ذِي الْقَرْنَيْنِ ۖ قُلْ سَأَتْلُو عَلَيْكُم مِّنْهُ ذِكْرًا ٨٣

    Wa yas'aluunaka can dhil-Qarnayni qul sa-atluu calaykum minhu dhikraa

    Waxay wax kaa weydiin Dul Qarnayn. Dheh: Waxaan idiin akhrin war ku saabsan isaga.

  108. إِنَّا مَكَّنَّا لَهُ فِي الْأَرْضِ وَآتَيْنَاهُ مِن كُلِّ شَيْءٍ سَبَبًا ٨٤

    Innaa makkannaa lahuu fil-ardi wa aataynaahu min kulli shay'in sababaa

    Waxaan ku awood siinnay dhulka, waxaana u siinnay wax walba sabab (cilmi).

  109. فَأَتْبَعَ سَبَبًا ٨٥

    Fa-atbaca sababaa

    Wuxuu raacay waddo.

  110. حَتَّىٰ إِذَا بَلَغَ مَغْرِبَ الشَّمْسِ وَجَدَهَا تَغْرُبُ فِي عَيْنٍ حَمِئَةٍ وَوَجَدَ عِندَهَا قَوْمًا ۗ

    Xattaa idhaa balagha maghribash-shamsi wajadahaa taghrubu fii caynin xami'atin wa wajada cindahaa qawmaa

    Ilaa, markuu gaaray meeshay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhaceysa il dhoobo madow ah, oo ka helay agteeda qolo.

  111. قُلْنَا يَا ذَا الْقَرْنَيْنِ إِمَّا أَن تُعَذِّبَ وَإِمَّا أَن تَتَّخِذَ فِيهِمْ حُسْنًا ٨٦

    Qulnaa yaa dhal-Qarnayni immaa an tucadhdhiba wa immaa an tattakhidha fiihim xusnaa

    Waxaanu nidhi: Dul Qarnaynow! Ama waa inaad cadaabto (hadday diidaan inay Xaqa rumeeyaan) ama u axsaan fasho (oo barto Islaamka).

  112. قَالَ أَمَّا مَن ظَلَمَ فَسَوْفَ نُعَذِّبُهُ ثُمَّ يُرَدُّ إِلَىٰ رَبِّهِ فَيُعَذِّبُهُ عَذَابًا نُّكْرًا ٨٧

    Qaala ammaa man zalama fa-sawfa nucadhdhibuhuu thumma yuraddu ilaa rabbihii fa-yucadhdhibuhuu cadhaaban nukraa

    Wuxuu yidhi: Qofkii dulmi fala 'oo fallaagooba', waa aanu cadaabi (dili), haddana waxaa loo celin xagga Rabbigiis; wuxuuna ku cadaabi cadaab daran.

  113. وَأَمَّا مَنْ آمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَلَهُ جَزَاءً الْحُسْنَىٰ ۖ وَسَنَقُولُ لَهُ مِنْ أَمْرِنَا يُسْرًا ٨٨

    Wa ammaa man aamana wa camila saalixan fa-lahuu jazaa'anil-xusnaa wa sa-naquulu lahuu min amrinaa yusraa

    Qofkii se (Xaqa) rumeeya oo sama fala, wuxuu leeyahay abaal gud wanaagsan (Janno). Waxaana kula hadli ereyo nugul oo amarkayaga ah.

  114. ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا ٨٩

    Thumma atbaca sababaa

    Markaasuu raacay waddo (kale),

  115. حَتَّىٰ إِذَا بَلَغَ مَطْلِعَ الشَّمْسِ وَجَدَهَا تَطْلُعُ عَلَىٰ قَوْمٍ لَّمْ نَجْعَل لَّهُم مِّن دُونِهَا سِتْرًا ٩٠

    Xattaa idhaa balagha matlicash-shamsi wajadahaa tatlucu calaa qawmil-lam najcal lahum min duunihaa sitraa

    Ilaa markuu gaaray meeshay ka soo baxdo qorraxda wuxuu helay iyadoo ay u soo baxaysa qolo aynu siin wax ay isaga asturaan.

  116. كَذَٰلِكَ وَقَدْ أَحَطْنَا بِمَا لَدَيْهِ خُبْرًا ٩١

    Kadhaalika wa qad axatnaa bimaa ladayhi khubraa

    Sidaas weeyee! Waxaana ku koobnay ogaansho waxa uu heystay.

  117. ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا ٩٢

    Thumma atbaca sababaa

    Markaasuu raacay waddo (kale),

  118. حَتَّىٰ إِذَا بَلَغَ بَيْنَ السَّدَّيْنِ وَجَدَ مِن دُونِهِمَا قَوْمًا لَّا يَكَادُونَ يَفْقَهُونَ قَوْلًا ٩٣

    Xattaa idhaa balagha baynas-saddayni wajada min duunihimaa qawmal-laa yakaaduuna yafqahuuna qawlaa

    Ilaa markuu gaaray (meel) labo buurood dhexdooda ah; wuxuu sokodooda ka helay qolo dhib ku fahma hadalba.

  119. قَالُوا يَا ذَا الْقَرْنَيْنِ إِنَّ يَأْجُوجَ وَمَأْجُوجَ مُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ فَهَلْ نَجْعَلُ لَكَ خَرْجًا عَلَىٰ أَن تَجْعَلَ بَيْنَنَا وَبَيْنَهُمْ سَدًّا ٩٤

    Qaaluu yaa dhal-Qarnayni inna Ya'juuja wa Ma'juuja mufsiduuna fil-ardi fa-hal najcalu laka kharjan calaa an tajcala baynanaa wa baynahum saddaa

    Waxay yidhaahdeen: Dul Qarnaynow! Waxay Yuug iyo yamaayuug ku falaan fasahaad arlada. Ee ma kuu yeellaa kharash waxaase shardi ah inaad yeesho dhexdeenna innaga iyo iyaga xidh gidaar ah?

  120. قَالَ مَا مَكَّنِّي فِيهِ رَبِّي خَيْرٌ فَأَعِينُونِي بِقُوَّةٍ أَجْعَلْ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُمْ رَدْمًا ٩٥

    Qaala maa makkannii fiihi rabbii khayrun fa-aciinuunii bi-quwwatin ajcal baynakum wa baynahum radmaa

    Wuxuu yidhi: Wuxuu awood I siiyey Rabbigay baa igu filan oo khayr roon, ee igu caawiya xoog (shaqaale) waxaan yeeli moos xir weyn dhexdiinna idinka iyo iyaga.

  121. آتُونِي زُبَرَ الْحَدِيدِ ۖ حَتَّىٰ إِذَا سَاوَىٰ بَيْنَ الصَّدَفَيْنِ قَالَ انفُخُوا ۖ حَتَّىٰ إِذَا جَعَلَهُ نَارًا قَالَ آتُونِي أُفْرِغْ عَلَيْهِ قِطْرًا ٩٦

    Aatuunii zubaral-xadiidi xattaa idhaa saawaa baynas-sadafayni qaalanfukhuu xattaa idhaa jacalahuu naaran qaala aatuunii ufrigh calayhi qitraa

    Ii keena goosimo bir ah; jeer markuu simay dhinacyada labada buurood dhexdooda, wuxuu yidhi: Buufiya, ilaa markuu ka yeelay (sida) dab, wuxuu yidhi: Ii keena maar la dhalaaliyey aan ku shubee.

  122. فَمَا اسْطَاعُوا أَن يَظْهَرُوهُ وَمَا اسْتَطَاعُوا لَهُ نَقْبًا ٩٧

    Fa-mastaacuu an yazharuuhu wa mastataacuu lahuu naqbaa

    Ma ay karin (Ya'juuj iyo Ma'juuj) inay ka soo kor baxaan mana karin inay duleeliyaan.

  123. قَالَ هَٰذَا رَحْمَةٌ مِّن رَّبِّي ۖ فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ رَبِّي جَعَلَهُ دَكَّاءَ ۖ وَكَانَ وَعْدُ رَبِّي حَقًّا ٩٨

    Qaala haadhaa raxmatum-mir-rabbii fa-idhaa jaa'a wacdu rabbii jacalahuu dakkaa'a wa kaana wacdu rabbii xaqqaa

    (Dul Qarnayn) wuxuu yidhi: Waxakani waa Naxariis xagga Rabbigay ah, markase uu Yabooha Rabbigay yimaado, wuxuu la simi dhulka, Yabooha Rabbigay xaq weeye.

  124. وَتَرَكْنَا بَعْضَهُمْ يَوْمَئِذٍ يَمُوجُ فِي بَعْضٍ ۖ وَنُفِخَ فِي الصُّورِ فَجَمَعْنَاهُمْ جَمْعًا ٩٩

    Wa taraknaa bacdahum yawma'idhin yamuuju fii bacdin wa nufikha fis-suuri fa-jamacnaahum jamcaa

    Waxaan u dayn qaarkood Maalintaa inay is buurtaan oo is dhex yaacaan (hirar oo kale) qaar kale. Waxaa la afuufi Buunka, oo soo kulmin iyagoo dhan.

  125. وَعَرَضْنَا جَهَنَّمَ يَوْمَئِذٍ لِّلْكَافِرِينَ عَرْضًا ١٠٠

    Wa caradnaa jahannama yawma'idhil-lil-kaafiriina cardaa

    Waxaan u bandhigeynaa Jahannama maalintaa gaalada bandhig.

  126. الَّذِينَ كَانَتْ أَعْيُنُهُمْ فِي غِطَاءٍ عَن ذِكْرِي وَكَانُوا لَا يَسْتَطِيعُونَ سَمْعًا ١٠١

    Alladhiina kaanat acyunuhum fii ghitaa'in can dhikrii wa kaanuu laa yastatiicuuna samcaa

    Kuwa ay indhahoodu ka daboollaayeen Waanadayada, ee aan kari jirin inay maqlaan.

  127. أَفَحَسِبَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَن يَتَّخِذُوا عِبَادِي مِن دُونِي أَوْلِيَاءَ ۚ إِنَّا أَعْتَدْنَا جَهَنَّمَ لِلْكَافِرِينَ نُزُلًا ١٠٢

    Afaxasibal-ladhiina kafaruu an yattakhidhuu cibaadii min duunii awliyaa'a innaa actadnaa jahannama lil-kaafiriina nuzulaa

    Ma waxay kuwa gaalooba moodaan inay (anfaceyso) inay ka yeeshaan addoomahayga gargaarayaal Aniga sokaday? Waxaan u diyaarinnay Jahannama degaan ahaan gaalada.

  128. قُلْ هَلْ نُنَبِّئُكُم بِالْأَخْسَرِينَ أَعْمَالًا ١٠٣

    Qul hal nunabbi'ukum bil-akhsariina acmaalaa

    Dheh: Ma idiin sheegaa kuwa ugu khasaaraha badan camallo ahaan?

  129. الَّذِينَ ضَلَّ سَعْيُهُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَهُمْ يَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ يُحْسِنُونَ صُنْعًا ١٠٤

    Alladhiina dalla sacyuhum fil-xayaatid-dunyaa wa hum yaxsabuuna annahum yuxsinuuna suncaa

    Waa kuwaa camalkooda noloshan adduunka yahay khasaaro aan wax qiimo ah laheyn iyagoo mooda inay sama falaan?

  130. أُولَٰئِكَ الَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِ رَبِّهِمْ وَلِقَائِهِ فَحَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ فَلَا نُقِيمُ لَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَزْنًا ١٠٥

    Ulaa'ikal-ladhiina kafaruu bi-aayaati rabbihim wa liqaa'ihii fa-xabitat acmaaluhum fa-laa nuqiimu lahum yawmal-qiyaamati waznaa

    Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba Aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisa. Marka camalladooda waa buraan. Sidaas awgeed uma yeelno wax miisaan iyo qiimo ah Maalinta Qiyaamaha.

  131. ذَٰلِكَ جَزَاؤُهُمْ جَهَنَّمُ بِمَا كَفَرُوا وَاتَّخَذُوا آيَاتِي وَرُسُلِي هُزُوًا ١٠٦

    Dhaalika jazaa'uhum jahannamu bimaa kafaruu wattakhadhuu aayaatii wa rusulii huzuwaa

    Sidaas waa in abaalkoodu yahay Jahannama; gaalnimadooda darteed, waxayna ka yeesheen Aayadahayga iyo Rusushayda jeesjees.

  132. إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ كَانَتْ لَهُمْ جَنَّاتُ الْفِرْدَوْسِ نُزُلًا ١٠٧

    Innal-ladhiina aamanuu wa camilus-saalixaati kaanat lahum jannaatul-firdawsi nuzulaa

    Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay leeyihiin beeraha Al-Firdaws degitaan (marti qaad) ahaan.

  133. خَالِدِينَ فِيهَا لَا يَبْغُونَ عَنْهَا حِوَلًا ١٠٨

    Khaalidiina fiihaa laa yabghuuna canhaa xiwalaa

    Iyagoo ku dhex waaraya weligood mana doonaan inay xaggeeda ka wareegaan (guuraan).

  134. قُل لَّوْ كَانَ الْبَحْرُ مِدَادًا لِّكَلِمَاتِ رَبِّي لَنَفِدَ الْبَحْرُ قَبْلَ أَن تَنفَدَ كَلِمَاتُ رَبِّي وَلَوْ جِئْنَا بِمِثْلِهِ مَدَدًا ١٠٩

    Qul law kaanal-baxru midaadal-li-kalimaati rabbii la-nafidal-baxru qabla an tanfada kalimaatu rabbii wa law ji'naa bi-mithlihii madadaa

    Dheh: Hadday baddu ahaan laheyd khad loogu tala galay (qoridda) Kelmedaha Rabbigay, baddu waa dhammaan lahayd inta aysan dhammaan Kelmedaha Rabbigay, xataa haddaan keenno (bad kale) oo la mid ah oo taakulo u ahaato.

  135. قُلْ إِنَّمَا أَنَا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُوحَىٰ إِلَيَّ أَنَّمَا إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَاحِدٌ ۖ

    Qul innamaa anaa basharum-mithlukum yuuxaa ilayya annamaa ilaahukum ilaahun waaxid

    (Nabi Muxammadow) dheh: Waxaan anigu uun ahay qof idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah Mid Keliya ah (Allaah),

  136. فَمَن كَانَ يَرْجُو لِقَاءَ رَبِّهِ فَلْيَعْمَلْ عَمَلًا صَالِحًا وَلَا يُشْرِكْ بِعِبَادَةِ رَبِّهِ أَحَدًا ١١٠

    Fa-man kaana yarjuu liqaa'a rabbihii falyacmal camalan saalixan wa laa yushrik bi-cibaadati rabbihii axadaa

    ee kii rajo ka qaba la Kulanka Rabbigii, ha fasho camallo san oo yuusan la wadaajin cidna cibaadada Rabbigi.

Qur'aan 18:1-110 · Fadli: Xaakim 2/368 (saxiix, Albaani) · Abuu Saciid al-Khudri: “Qofkii akhriya Suuradda Al-Kahf maalinta Jimcaha, nuur ayaa u iftiima inta u dhexeysa labada Jimce.” Albaani wuxuu ku xukumay saxiix (Saxiixul Jaamic 6470); Ibnu Xajar wuxuu yiri waa riwaayadda ugu xoogga badan ee Suuradda Al-Kahf ku saabsan. Qaar waxay u weriyaan erayada Abuu Saciid laftiisa, iyagoo leh “habeenka Jimcaha” (Daarimi); abaal-marin noocan ah ra'yi laguma odhan karo, sidaas darteed waxay leedahay xukunka erayada Nabiga ﷺ; sidaas awgeed waxaa la akhriyaa laga bilaabo Maqribka Khamiista ilaa Maqribka Jimcaha. Tobanka aayadood ee ugu horreeya waxay ka ilaaliyaan Dajjaalka (Muslim 809).