Soomaali
Fur app-ka

Suuradda Al-Mulk: qoraalka oo dhan iyo ilaha

Suuradda Al-Mulk (Tabaarak), soddonka aayadood ee u shafeeca qofka akhriya, weedh mar kasta: Carabiga, akhriska far Laatiin iyo macnaha.

Suuradda Al-Mulk

Xukunka (Qur'aan 67)

Soddon aayadood oo nin u shafeecay ilaa loo dambi dhaafay.

  1. بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

    Bismillaahir-raxmaanir-raxiim

    Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan.

  2. تَبَارَكَ الَّذِي بِيَدِهِ الْمُلْكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ ١

    Tabaarakal-ladhii bi-yadihil-mulku wa huwa calaa kulli shay'in qadiir

    Waxaa khayr iyo barako badan (Alle) ay Gacantiisu ku jirto Mulkiga (iyo Maamulka uunka oo dhan), Isagaana wax walba Kara.

  3. الَّذِي خَلَقَ الْمَوْتَ وَالْحَيَاةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا ۚ

    Alladhii khalaqal-mawta wal-xayaata li-yabluwakum ayyukum axsanu camalaa

    Ee ah Kan abuuray geeri iyo nololba, si uu idiin imtixaano kiinna idiinku camal wanaagsan.

  4. وَهُوَ الْعَزِيزُ الْغَفُورُ ٢

    Wa huwal-caziizul-ghafuur

    Waana Adkaadaha sare, Denbi Dhaafka Badan.

  5. الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقًا ۖ

    Alladhii khalaqa sabca samaawaatin tibaaqaa

    Kan abuuray toddobo samooyin dabaqyo ah kala korreeya,

  6. مَّا تَرَىٰ فِي خَلْقِ الرَّحْمَٰنِ مِن تَفَاوُتٍ ۖ

    Maa taraa fii khalqir-raxmaani min tafaawut

    ku arki meysid wax isdhaafsanaan ah abuurka Raxmaanka.

  7. فَارْجِعِ الْبَصَرَ هَلْ تَرَىٰ مِن فُطُورٍ ٣

    Farjicil-basara hal taraa min futuur

    Ee ku celi araggee: Miyaad ku aragtaa wax dillaac ah iyo duleello.

  8. ثُمَّ ارْجِعِ الْبَصَرَ كَرَّتَيْنِ

    Thummarjicil-basara karratayn

    Misna ku celi aragga mar labaad,

  9. يَنقَلِبْ إِلَيْكَ الْبَصَرُ خَاسِئًا وَهُوَ حَسِيرٌ ٤

    Yanqalib ilaykal-basaru khaasi'aw-wa huwa xasiir

    araggaagu adiga buu kugu soo noqon isagoo dulleysan oo daallan.

  10. وَلَقَدْ زَيَّنَّا السَّمَاءَ الدُّنْيَا بِمَصَابِيحَ

    Wa laqad zayyannas-samaa'ad-dunyaa bi-masaabiix

    Waxaan dhab ahaan ku qurxinnay samada dhow nalal (xiddigo),

  11. وَجَعَلْنَاهَا رُجُومًا لِّلشَّيَاطِينِ ۖ

    Wa jacalnaahaa rujuumal-lish-shayaatiin

    Waxaana ka yeellay (xiddigahaa) gantaallo lagu gano shayaadiinta,

  12. وَأَعْتَدْنَا لَهُمْ عَذَابَ السَّعِيرِ ٥

    Wa actadnaa lahum cadhaabas-saciir

    waxaanuna u diyaarinnay cadaab Naar hureysa ah.

  13. وَلِلَّذِينَ كَفَرُوا بِرَبِّهِمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ ٦

    Wa lil-ladhiina kafaruu bi-rabbihim cadhaabu jahannam, wa bi'sal-masiir

    Kuwa ku gaalooba Rabbigood waxay leeyihiin cadaab jahannamo, oo u xun aayotiin iyo meel la ahaado.

  14. إِذَا أُلْقُوا فِيهَا سَمِعُوا لَهَا شَهِيقًا وَهِيَ تَفُورُ ٧

    Idhaa ulquu fiihaa samicuu lahaa shahiiqaw-wa hiya tafuur

    Marka (gaalada) lagu tuuro Naarta, waxay ka maqli cartan daran iyadoo karaysa.

  15. تَكَادُ تَمَيَّزُ مِنَ الْغَيْظِ ۖ

    Takaadu tamayyazu minal-ghayz

    Waxay ku sigan inay la kala dillaacdo cadho.

  16. كُلَّمَا أُلْقِيَ فِيهَا فَوْجٌ سَأَلَهُمْ خَزَنَتُهَا أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَذِيرٌ ٨

    Kullamaa ulqiya fiihaa fawjun sa'alahum khazanatuhaa alam ya'tikum nadhiir

    Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda weydiin: Miyuusan idiin imaan dige (Rasuul Alle)?

  17. قَالُوا بَلَىٰ قَدْ جَاءَنَا نَذِيرٌ فَكَذَّبْنَا

    Qaaluu balaa qad jaa'anaa nadhiirun fa-kadhdhabnaa

    Waxay odhan: Haayoo waa noo yimid dige, waanse beeninnay

  18. وَقُلْنَا مَا نَزَّلَ اللَّهُ مِن شَيْءٍ

    Wa qulnaa maa nazzalallaahu min shay'

    oo nidhi: Alle ma soo dejin wax (Waxyi ah),

  19. إِنْ أَنتُمْ إِلَّا فِي ضَلَالٍ كَبِيرٍ ٩

    In antum illaa fii dalaalin kabiir

    waxaad uun idinku ku sugan tihiin habow weyn.

  20. وَقَالُوا لَوْ كُنَّا نَسْمَعُ أَوْ نَعْقِلُ مَا كُنَّا فِي أَصْحَابِ السَّعِيرِ ١٠

    Wa qaaluu law kunnaa nasmacu aw nacqilu maa kunnaa fii asxaabis-saciir

    Waxay odhan: Haddaan wax maqli laheyn ama garowsan laheyn, kama aanu mid ahaaneyn ehlu Naarka.

  21. فَاعْتَرَفُوا بِذَنبِهِمْ فَسُحْقًا لِّأَصْحَابِ السَّعِيرِ ١١

    Factarafuu bi-dhanbihim fa-suxqal-li-asxaabis-saciir

    Marka waxay qiran denbigooda, ee ha fogaadeen qolada Naarta Hureysa.

  22. إِنَّ الَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِالْغَيْبِ

    Innal-ladhiina yakhshawna rabbahum bil-ghayb

    Hubaal, kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba)

  23. لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ كَبِيرٌ ١٢

    Lahum maghfiratuw-wa ajrun kabiir

    waxay leeyihiin Denbi Dhaaf iyo Ajar Weyn (Janno).

  24. وَأَسِرُّوا قَوْلَكُمْ أَوِ اجْهَرُوا بِهِ ۖ

    Wa asirruu qawlakum awijharuu bih

    Hoos u dhiga hadalkiinna ama kor u qaada.

  25. إِنَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ ١٣

    Innahuu caliimum bi-dhaatis-suduur

    Hubaal (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

  26. أَلَا يَعْلَمُ مَنْ خَلَقَ وَهُوَ اللَّطِيفُ الْخَبِيرُ ١٤

    Alaa yaclamu man khalaq, wa huwal-latiiful-khabiir

    Miyuusan Ogeyn Kan abuuray 'uunkiisa iyo arrimahooda'? Waa Roonaan Badanaha, Xog Ogaalka ah.

  27. هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولًا

    Huwal-ladhii jacala lakumul-arda dhaluulaa

    Waa Isaga (Alle) Kan idiinka dhigay dhulka hayin

  28. فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِن رِّزْقِهِ ۖ

    Famshuu fii manaakibihaa wa kuluu mir-rizqih

    ee ku socda aagaggiisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa,

  29. وَإِلَيْهِ النُّشُورُ ١٥

    Wa ilayhin-nushuur

    Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu (Qiyaamada).

  30. أَأَمِنتُم مَّن فِي السَّمَاءِ

    A'amintum man fis-samaa'

    Ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ee ka kor ah cirka

  31. أَن يَخْسِفَ بِكُمُ الْأَرْضَ فَإِذَا هِيَ تَمُورُ ١٦

    Ay-yakhsifa bikumul-arda fa-idhaa hiya tamuur

    idinla gooyo arlada, ayna idin la dhaqdhaqaaqdo.

  32. أَمْ أَمِنتُم مَّن فِي السَّمَاءِ أَن يُرْسِلَ عَلَيْكُمْ حَاصِبًا ۖ

    Am amintum man fis-samaa'i ay-yursila calaykum xaasibaa

    Mise ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata?

  33. فَسَتَعْلَمُونَ كَيْفَ نَذِيرِ ١٧

    Fa-sataclamuuna kayfa nadhiir

    Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu?

  34. وَلَقَدْ كَذَّبَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَكَيْفَ كَانَ نَكِيرِ ١٨

    Wa laqad kadhdhabal-ladhiina min qablihim fa-kayfa kaana nakiir

    Waxaa dhab ahaan beeniyey (Xaqa) kuwii ka horreeyey, ee sidee buu ahaa Ciqaabkeygii?

  35. أَوَلَمْ يَرَوْا إِلَى الطَّيْرِ فَوْقَهُمْ صَافَّاتٍ وَيَقْبِضْنَ ۚ

    Awa lam yaraw ilat-tayri fawqahum saaffaatiw-wa yaqbidn

    Miyeyna arag shimbiraha korkooda ah ee fidinaya (baalashooda) oo isku soo laabaya?

  36. مَا يُمْسِكُهُنَّ إِلَّا الرَّحْمَٰنُ ۚ

    Maa yumsikuhunna illar-raxmaan

    Ma jiraan wax haya iyaga aan aheyn Raxmaanka.

  37. إِنَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ بَصِيرٌ ١٩

    Innahuu bi-kulli shay'in basiir

    Hubaal, wax walba wuu Arkaa.

  38. أَمَّنْ هَٰذَا الَّذِي هُوَ جُندٌ لَّكُمْ يَنصُرُكُم مِّن دُونِ الرَّحْمَٰنِ ۚ

    Amman haadhal-ladhii huwa jundul-lakum yansurukum min duunir-raxmaan

    Waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka (Alle) sokadi?

  39. إِنِ الْكَافِرُونَ إِلَّا فِي غُرُورٍ ٢٠

    Inil-kaafiruuna illaa fii ghuruur

    Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan.

  40. أَمَّنْ هَٰذَا الَّذِي يَرْزُقُكُمْ إِنْ أَمْسَكَ رِزْقَهُ ۚ

    Amman haadhal-ladhii yarzuqukum in amsaka rizqah

    Ama waa kee kaa idin siin risiq haddii uu (Alle) heysto Risiqiisa?

  41. بَل لَّجُّوا فِي عُتُوٍّ وَنُفُورٍ ٢١

    Bal lajjuu fii cutuwwiw-wa nufuur

    Waxayse ku adkeystaan kibir iyo didmo.

  42. أَفَمَن يَمْشِي مُكِبًّا عَلَىٰ وَجْهِهِ أَهْدَىٰ

    Afamay-yamshii mukibban calaa wajhihii ahdaa

    Ma mid socda wejigiisoo foorara baa hanuunsan,

  43. أَمَّن يَمْشِي سَوِيًّا عَلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ ٢٢

    Ammay-yamshii sawiyyan calaa siraatim-mustaqiim

    mise mid ugu socda si quman Jid Toosan?

  44. قُلْ هُوَ الَّذِي أَنشَأَكُمْ

    Qul huwal-ladhii ansha'akum

    Dheh: (Alle) waa Kan idin uumay

  45. وَجَعَلَ لَكُمُ السَّمْعَ وَالْأَبْصَارَ وَالْأَفْئِدَةَ ۖ

    Wa jacala lakumus-samca wal-absaara wal-af'idah

    idiinna yeelay maqalka, aragga iyo laabaha.

  46. قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ ٢٣

    Qaliilam-maa tashkuruun

    Yaraa intaad (ku) mahdisaan.

  47. قُلْ هُوَ الَّذِي ذَرَأَكُمْ فِي الْأَرْضِ وَإِلَيْهِ تُحْشَرُونَ ٢٤

    Qul huwal-ladhii dhara'akum fil-ardi wa ilayhi tuxsharuun

    Dheh: (Alle) waa Kan idinku fidshay (abuuray) dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin (Qiyaamada).

  48. وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا الْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ ٢٥

    Wa yaquuluuna mataa haadhal-wacdu in kuntum saadiqiin

    Waxay odhan: Waa goorma waqtiga gooddigani la fulin haddaad run sheegi?

  49. قُلْ إِنَّمَا الْعِلْمُ عِندَ اللَّهِ وَإِنَّمَا أَنَا نَذِيرٌ مُّبِينٌ ٢٦

    Qul innamal-cilmu cindallaahi wa innamaa ana nadhiirum-mubiin

    Dheh: Alle baa Og (waqtigay tahay), waxaanse ahay anigu dige cad.

  50. فَلَمَّا رَأَوْهُ زُلْفَةً سِيئَتْ وُجُوهُ الَّذِينَ كَفَرُوا

    Fa-lammaa ra'awhu zulfatan sii'at wujuuhul-ladhiina kafaruu

    Markayse arkaan (cadaabka Alle) oo ku soo dhow, waxaa xumaan wejiyada gaalada,

  51. وَقِيلَ هَٰذَا الَّذِي كُنتُم بِهِ تَدَّعُونَ ٢٧

    Wa qiila haadhal-ladhii kuntum bihii taddacuun

    waxaana lagu odhan: Waa kan waxaad u yeedhan jirteen (in la idiin soo dedejiyo oo cadaab ah).

  52. قُلْ أَرَأَيْتُمْ إِنْ أَهْلَكَنِيَ اللَّهُ وَمَن مَّعِيَ أَوْ رَحِمَنَا

    Qul ara'aytum in ahlakaniyallaahu wa mam-maciya aw raximanaa

    Dheh: Bal ka warrama haddii Alle na oofsado aniga iyo inta ila jirta (mu'miniinta), ama noo naxariisto,

  53. فَمَن يُجِيرُ الْكَافِرِينَ مِنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ ٢٨

    Fa-may-yujiirul-kaafiriina min cadhaabin aliim

    yaa ka badbaaadin gaalada cadaab xanuun badan?

  54. قُلْ هُوَ الرَّحْمَٰنُ آمَنَّا بِهِ وَعَلَيْهِ تَوَكَّلْنَا ۖ

    Qul huwar-raxmaanu aamannaa bihii wa calayhi tawakkalnaa

    Dheh: Alle waa Raxmaanka, waanu rumeynay, Isagaana tala saarannaa.

  55. فَسَتَعْلَمُونَ مَنْ هُوَ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ ٢٩

    Fa-sataclamuuna man huwa fii dalaalim-mubiin

    Waad ogaan doontaan waa kee kan ku sugan habow cad.

  56. قُلْ أَرَأَيْتُمْ إِنْ أَصْبَحَ مَاؤُكُمْ غَوْرًا

    Qul ara'aytum in asbaxa maa'ukum ghawraa

    Dheh: Bal ka warrama hadday biyihiin- nu dhulka ku guraan,

  57. فَمَن يَأْتِيكُم بِمَاءٍ مَّعِينٍ ٣٠

    Fa-may-ya'tiikum bi-maa'im-maciin

    waa kee kan idiin keeni kara biyo socda oo dur dur ah?

Qur'aan 67:1-30 · Fadli: Tirmidi 2891 (xasan, Albaani), Abuu Daawuud 1400 (xasan, Albaani) · Soddon aayadood oo nin u shafeecay ilaa loo dambi dhaafay (Tirmidi 2891). In Nabiga ﷺ aanu seexan jirin ilaa uu akhriyo as-Sajdah iyo Tabaarak waxay ku jirtaa Tirmidi 2892, culimaduna way ku kala duwan yihiin (saxiix, Albaani; daciif, Darussalam).